Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo lagu haysto weerarka boqor Muslim ah oo dhintay 300 sano ka hor

0
105

Hadal hayn aad u xoog badan ayaa ka taagan arrimaha ku saabsan boqorkii Hindiya ee “ay taariikhyahannada gacan bidixeeyeen”, oo la oran jiray Aurangzeb.

Boqorkan Muslimka ahaa oo geeriyooday muddo ka badan 300 oo sano ka hor ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay mowduucyo xasaasi ah looga samaynayaa baraha bulshada iyo warbaahinta.

Taariikhda boqortooyadiisa

Aurangzeb, inta badan waxaa lagu tilmaamaa “Boqorkii ugu dambeeyay ee dhab ah oo soo xukumay boqortooyadii la oran jiray Mughal”, waxa uuna Hindiya ka talinayay ku dhawaad 50 sano oo u dhaxeysay 1658 ilaa 1707.

Balse waligiis ma aysan jecleysanin aqoonyahannada taariikhda, il gaar ahna kuma eegaan.

Markii ugu horreysay waxa uu xukunka boqortooyada dhaxlay kaddib markii uu xabsiga dhigay aabihiis, walaalkiis ka waynaana uu dilay.

Maamulkiisa waxaa lagu tilmaamaa mid liitay marka la barbar dhigo boqorradii kale ee ka horreeyay. Aabihiis awowgiis, oo la oran jiray Akbar, ayaa la sheegay inuu ahaa boqorkii aasaasay boqortooyadan caanka ahayd.

Isaga awowgiis oo aabihiis dhalay, oo la oran jiray Jahang, waxa uu caan ku ahaa inuu jeclaa farshaxanka iyo naqshadaha dhismaha.

Aabihiis, Shah Jahan, ayaa isagana ku astaysnaa inuu ahaan jiray nin jacaylka lamaanaha ku xeel dheeraa, waana ninka xaaskiisa u dhisay dhismaha taariikhiga ah ee Taj Mahal, oo ilaa hadda ka mid ah mucjisooyinka adduunka.

Aurangzeb, oo ahaa boqorka lixaad ee liiska boqortooyada, laguna yaqaannay inuu ahaa nin Muslimnimada aad ugu adag, ayaa lagu tilmaamaa inuu xukunkiisu adkaa, uuna si buuxda wax ugu maamuli jiray shareecada Islaamka. Waxa uu xitaa dib u sharciyeeyay canshuurta laga qaadi jiray dadka aan Muslimiinta ahayd ee Hinduuga ah.

Waxaa kale oo lagu tilmaamay in uu necbaan jiray muusikada iyo farshaxanka kale, waxa uuna amar ku bixiyay in la burburiyo macbadyo badan oo ay lahaayeen Hinduuga.

Olole nacayb ah

Arrimahan oo dhan waxay dhaceen boqollaal sano ka hor balse waxaa cajiib ah in hadda uu soo cusboonaaday olole nacayb ah oo loo qabo boqorkaas. Waa marxalad lama filaan ku noqotay dad badan.

Nacaybku wuxuu ka billowday markii uu xoogaystay muran la xiriiray Masjidka lagu magacaabo Gyanvapi ee ku yaalla “magaalada barakeysan” ee Varanasi.

Masjidkan waxaa laga dhisay meel laga burburiyay macbad wayn oo ay Hinduuga ku cibaadaysan jireen, oo la oran jiray Vishwanath, kaasoo dhisnaa qarnigii 16-aad.

Saanadkii 1669-kii ayaa macbadkaas lagu burburiyay amar uu bixiyay Aurangzeb.

Weeraridda nin dhintay 300 oo sano ka hor

Hadda, magaca Aurangzeb waxa uu caan ka yahay baraha bulshada, maadaama ay sheekadiisa hadal hayaan kumannaan qof, faylasha ku sabasan kiiska isaga salka ku hayana waxa uu ka socdaa maxkamadda dalka Hindiya ee ay maanta maamulkiisa gacanta ku hayaan Hinduuga.

Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ka hadlay wax uu ku tilmaamay “ficilladii qallafsanaa ee Aurangzeb iyo argagixisannimadiisii”, mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Varanasi.

“Waxa uu isku dayay inuu islbaxnimada ku baddalo seef afkeed, waxa uu isku dayay inuu dhaqanka ku burburiyo fikrad kalitalisnimo ah,” ayuu yiri Modi.

Narendra ayaa mar kale boqorkaas kusoo hadal qaaday khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabadda sanad guuradii 400-aad ee kasoo wareegtay wadaad diimeed ay lahaayeen bulshada Sikh oo la oran jiray Tegh Bahadur, kaasoo qoorta laga gooyay kaddib markii uu diiday inuu soo Muslimo.

“Inkastoo Aurangzeb uu dad badan gowracay, haddana wuu baddali waayay diinteenna,” ayuu yiri Modi.

Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo uu ka fal celinayay wariye haysta dhalashada Canada iyo Mareykanka oo Twitter-ka kusoo qoray su’aal uu dadka ku waydiinayay sababta uu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya u jeediyay “khudbad dheer oo uu ku weerarayo Boqor geeriyooday 300 oo sano ka hor.”

Ka bood Twitter boggan, 1