Shariif Sheekh Axmed oo sheegay Dadka Soomaliyeed Baahi u qabaan dib u heshiisiinta.

0
84

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaalidu baahi u qabto dib u heshiisiinta si xal loogu helo dhibaatooyinka ka dhashay is faham darrada siyaasadeed ee Dalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay in howshaan uu kala kaashanayo Dadka ehelka u ah sida xal loogu helo caqabadaha dhibaatada ku ah horumarka Dowladnimada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxa uu muhiimadda Wadahadalka ku tilmaamay in uu yahay xalka keliya ee lagu soo afjari karo waxyaabaha la kala tirsanayo si meesha looga saaro dhibaatooyinkii dalka ka dhacay.

“Waxa aan diyaar u ahay in Dadka waxgaradka ah ee Soomaaliyeed aan talada ka qaybgeliyo, waxa ugu horreeya ee aan sameyn doono waa dib u heshiisiin oo meelo kala duwan taaban doonta, Dadka Soomaaliya qabaail ayay isu dirireen siyaasadda ayaa abuurtay Dagaalladaas, marka siyaasaddu waa in ay abuurto in laga gudbo dhibaatadaas, Dowladnimada Soomaaliya waxaa aasaas u noqon kara heshiis Bulsho, heshiis siyaasadeed oo laga mira-dhaliyo oo dushiisa lagu dhiso hay’adihii qaranka ee u adeegi lahaa Bulshada” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif waxa uu kamid yahay Musharixiinta u taagan u tartamidda Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS oo lagu wado in ay dhacdo 15ka May 2022, Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loogu diyaargaroobayo Doorashadaas.