WAR DEG DEG AH Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Muqdisho

0
126

Warar goordhow naga soo gaaray Muqdisho ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala aagga Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan, iyadoo uu jiro khasaare xooggan uu dhaliyay dabkan.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dabka, iyadoo dadka iska leh xarumaha ganacsi iyo dad kale oo muxsiniin ah ay la tacaalayaan sidii loo damin lahaa ama loo yareyn lahaa khasaaraha dabka.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku soo waramaya in wali aan goobta soo gaarin gawaarida dab damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyadoo dabka uu si xowli ah ku sii fidayo maadaama dabeylo xoogga ay jiraan.