Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

0
92

Xubno katirsan Dagaalamayasha Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada beeydhabo ee xarunta ku meelgaar ah ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Sawiradda iyo magacyadda xubnaha isasoo dhiibay waxaa baahiyay Milatariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo waxa ayna sheegeen in xubnahaani ay Al-Shabaab in muddaa ka tirsanaayeen hadana isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda

Xubnaha isasoo dhiibay waxa ay Ciidamada Dowladda magacyadooda ku sheegeen, Maxamed Cali Isxaaq, Mukhtaar Maxamed Ibraahim, Xasan madkariim sheekh, Cabdulaahi Sankuus Maxamed iyo Maxamed Jeelow Shariif.

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qebta 60-aad ee Ciidanka xoogga ayaa baahiyay xogtaan, waxa ayna xubnihii isasoo dhiibay ugu baaqeen kuwa kale ee Alshabaab ku jira in ay isasoo dhiibaan.