Afqaanistaan: “Dhul-gariirkii kaddib ma haysanno cunno iyo hooy toona”

0
39

Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa soo mara dalka Afgaanistaan 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in aysan haysan cunno iyo hoy isla markaana ay ka cabsi qabaan in cudurka daacuunka uu dillaaco deegaannadooda.

Gobolka Paktika ayaa ah meesha ugu daran ee ay masiibadu ku habsatay.

Agha Jan waa mid ka mid ah dhibbanayaasha dhul-gariirkani, waxa uuna isaga oo ilmeynaya uu eegayaa halkii uu ku burburay gurigooga.

“Kuwani waa kabihii wiilashayda,” ayuu yiri. Saddex caruur ah oo uu dhalay iyo laba xaas oo uu qabay ayaa iyaga oo hurdaya ku dhintay dhul-gariirkaasi.

“Laakiin wax walba waxay ku hoos jiraan burburka,” ayuu yiri mar uu la hadlay BBC-da. “Xitaa badeelkayguu burburka ayuu ku hoos jiray, ma jirin wax aan samayn karo, waxaan u yeeray ilma adeertayda si ay ii caawiyaan, laakiin markii aan soo saarnay carruurteyda iyo labadeyda xaas, mar hore ayayba dhammaantood dhinteen.”

Deegaannada ku xeeran tuulada Agha Jan ee degmada Barmaal ee gobolka Pakistan ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul-gariirka, waxaana la rumeysan yahay in ku dhawaad 1,000 qof ay ku dhinteen, halka 3,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waa deegaan saddex saacadood u jirta magaalada ugu weyn ee ugu dhow, waddaduna waa mid qarda-jeex ah, arrintaa oo ka dhigeysa mid aad u adag in gurmad loo fidiyo dadka dhaawaca ah. Qaar ka mid ah dadkaasi ayay noqotay in loo duuliyo isbitaallada iyadoo lagu qaadayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milatariga ururkaTaaliban.

Ku dhawaad guri kasta oo ku yaal tuulada uu deggan yahay Agha Jan, oo guud ahaan ka sameysan dhoobo iyo dhagxaan, ayaa u muuqata mid aad u burburtay. Ku dhawaad qoys kastaa oo halkaa ku nool ugu yaraan qof ayaa ka dhintay oo tacsi ayaa u taal.

Xabiib Gul ayaa markii uu dhul-gariirka dhacayay waxa uu ku sugnaa magaalada Karach ee dalka Pakistan oo ku taal dhanka kale ee xudduudda. Markii uu maqlay waxa ka dhacay tuuladiisa ayuu dib ugu soolaabtay balse waxa uu la kulmay 20 ka mid ah qaraabadiisa oo ku dhintay dhul-gariirka, kuwaa oo 18 ka mid ah ay ku dhinteen hal guri.

“Haddii dunidu ay noo eegto sidii dad walaalahood ah oo ay na caawiyaan, waxaan sii joogi doonaa doonnaa halkan oo ah dhulkeenna,” ayuu Xabiib Gul oo la hadlay BBC-da. “Haddii aysan sidaasi dhicin, halkan waan isaga tagi doonnaa innaga oo illinta naga qubaneyso.”

Dusha sare, waxaa cirka wareegaya diyaaradaha milatariga ee qumaatiga u kaca. Mana ahan kuwo haatan daabulaya dadka dhaawaca ahi balse waxa ay wadaan sahay loogu tala galay dadka tabaaleysan. Saraakiisha Taalibaanka ayaa sheegay in la soo gaba-gabeeyay howlgalka samata-bixinta.

Baahida ugu daran ayaa haatan ah in hoy ay helaan boqollaalka qoys ee ku guryo beelay dhul-gariirka.

Hay’adaha gargaarka ee Afgaanistaan iyo kuwa caalamiga ahi ayaa haatan qiimeynaya khasaaraha ka dhashay dhul-gariirka, waxa ayna sidoo kale dadka gaarsiinayaan sahay, balse arrintani ayaa ah dhibaato weyn oo isa sii tareysa, waana xaalad ku soo korortay xaaladda bini’aadantinimo ee horeyba waddankaasi uga jirtay.

Qaramada Midoobay, oo sidoo kale gacan ka geysanayso taageeridda dhibbanayaasha dhul-gariirkani, ayaa ka digaysa halista suurtagalka ah ee ah in cudurka daacuunka uu ka dillaaco deegaannada uu dhul-gariirka ku dhuftay.

BBC SOMAALIA