(DAAWO SAWIRADA) Axmed Madoobe oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dhoobley

81

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyey.

Maamulka Degmada Dhoobley, Odayaal dhaqmeed, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Golaha wasiirada ee maamulka Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada