(DAAWO SAWIRADA) Ra’isul Wasaaraha cusub oo hal arrin oo Muhiim ah ka codsaday Guddoonka Gollaha Shacabka

0
68

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe oo uu weheliyo ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxa uuna ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay

Guddoomiyaha ayaa Ra’isul Wasaaraha magacaaban uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa dhankiisa Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si una soo dhiso xukuumad cusub oo wax qabata xaaladaha adag ee dalka ka jira