{DAAWO SAWIRADA} Sida looga dabaaldegay sanadguuradii 45-aad ee Xoriyadda Dalka Jabuuti.

67

Jabuuti ayaa maanta looga dabbaal dagay sanad guurada 45-aad ee ka soo wareegtay maalinta uu dalkaasi xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska.

Munaasabadda dabaaldegga waxaa lagu soo bandhigay hub badan iyo gawaarida gaashaaman ee dagaalka, waxaana la arkayay ciidamo kala duwan oo gaada ka ciyaar ku maraya halkii ay xafladda ka socotay iyadoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu salan sharaf ka qaatay ciidamada, sida uu baahiyay teleefishinka iyo raadiyaha dowladda.