Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Khasaaro Sababay Oo Xalay Ka Dhacay Puntland

0
51

Shil gaari ayaa xalay ka dhacay dalcadda Alxamdulilaha ee ku taalla Gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid noociisu ahaa Candhomaydlaha iyo gaari kale yar oo loo yaqaano borobakis.

Shilkaan oo saqdii dhexe ee xalay dhacay ayaa waxaa ku dhaaawacmay 5 qof oo kala saarnaa labada gaari ee isku dhacay, kuwaasi oo iskaga horyimid dalcadda Alxamdulilaha, waxaana gaariga weyn oo sidday xoolo uu ku socday xawaare sare.

Saraakiil Ciidan iyo dadweyne ayaa tegay goobta oo gurmad u fidiyey dadkii waxyeelada kasoo gaartay shilka khasaaraha geystay, isla markaana waxaa dadka dhaawacmay loola cararay Isbitaal, si xaaladooda loogu daaweyo, maadaama dhaawacyo u badan Jajab uu gaaray.

Xoolihii gaariga weyn sidday oo ahaa Ari ayaa waxaa la sheegay in xoolaha qaarkood ay goobta ku le’deen, waxaana xoolaha lahaa dad reer-miyi ah, iyadoona labada gaari ee isku dhacay ay ka kala yimideen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland, shilalka ayaa inta badan loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare loo wado.