Maxay yihiin wax yaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse?

78

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii 20aad ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiska joogay ku dhawaad labo Bil.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhaceesay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS, Ra’iisul Wasaaraha Xilka ka degay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Taliyaasha Ciidanka, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada Aqal iyo Marti sharaf kale.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu mahadcelshay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqadii adkeed uu soo qabtay inta uu joogay Xafiiska, isaga oo ku bogaadiyay dhameestirka Doorashada oo sheegay in uu dalka ka badbaadiyay xaaladdii adkeed ee uu galay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa yiri “Kii dadka baabi’iyay iyo kii dadka badbaadiyay, labo bilood ka dib isku mid bey noqonayaan. Mudane Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roobel waxa aan balan qaadayaa Xukumaddaan inta ay jirto in aan dadka ku soo xasuusinno marar badan”

Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in shaqadii uu soo waday Ra’iisul Wasaare Rooble uu halkaas ka sii wadi doona, isaga oo balan qaaday in si hufan uu ula shaqeen doona shaqaalaha maanta lagu wareejiyay.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay waxyabaaha hortabinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ka midyihiin; Amniga, Abaaraha iyo ka hor taga fatahaadaha kuwaas oo ku sheegay in ay yihiin saddexda ajanda ee Xukuumaddiisa ay diiradda saari doonta.

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka hadlayay wax yaabaha looga baahan yahay Soomaalida ayaa yiri “isku kalsooni baa loo baahanyahay, Niyadda oo la dhiso baa loo baahanyahay, Soomaalinimo baa loo baahanyahay, waxaa loo baahanyahay in wixii hore dhan la’iska hilmaamo”

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre 15 Juun 2022-ka, isaga oo Golaha Shacabka BFS ay siiyeen codka kalsoonida 25 Juun 2022-ka.

Xamse Cabdir Barre Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso Golahiisa Wasiirada kuwaas oo hor yaala wax ka aqabashada Abaaraha, Aminga, Caafimaadka iyo dhaqaalaha.