Qaramada Midoobay oo Maanta maamuuseysa “Maalinta Qaxootiga Adduunka” xilli Malaayiin Qof ay la ildaran yihiin Abaaro

0
47

Qaramada Midoobay ayaa 20ka June waxa ay u diiwaangelisay in la maamuuso “Maalinta Qaxootiga Adduunka” si loosoo bandhigo Dadka isaga baxsaday Dalalkooda ee waddamada kale door-biday in ay ku noolaadaan.

Sanadkaan waxa ay Qaramada Midoobay xuseysaa maalintaan iyada oo ay dhibaateysan yihiin ku dhawaad 20 Milyan oo ruux oo kunool Waddamada Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo dhaca Bariga Afrika kaddib markii saameyn taban ay ku reebeen Abaar, Colaad, Covid-19 & dhaqaale xumo.

Qaramada Midoobay waxa ay weysay gargaarkii ay kasoo qaadi jirtay Ukraine maadaama waddankaas uu ku duulay Ruushka 24kii Febaraayo 2022, Kyiv ayaa dhumisay dhaqaalihii kasoo geli jiray Raashinka WFP ka iibsato si ay ugu sii qaybiyo Dadka u baahan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa fariin uu diray waxa uu ku codsaday in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa Nabadgalyo iyo dhaqaale ku filan waddamada ugu badan ee Dadkoodu Barakacayaashu noqdeen.

Filippo Grand oo ah Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegay in 80% Qaxootiga la diiwaangeliyay in ay tageen waddamo sabool ah ama dhaqaalahooda uu hooseeyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in sanadihii 2020 iyo 2021 ay sii kordhayeen Dadka ka barakacay Xaaladaha & Duruufaha adag ee dalalkooda ka jira, balse gargaarka bani aadamnimo aanay loogu helin sidii loo baahnaa.

Sababta waxa uu ku sheegay saameynta ka dhalatay Covid-19 oo dunida inteeda kale ku qaadatay in ay wadajir ula dagaalamaan, markii ay kasoo jeysteen cudurkaas safmarka ah ayax uu ku degay deegaannada qaar.