Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka oo booqday Ukraine si uu u taageero dacwadaha dambiyada dagaalka

0
55

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Merrick Garland ayaa Talaadadii booqasho ku tagay dalka Ukraine, si uu u muujiyo taageerada Mareykanka uu u fidinayo dacwadda ay Ukraine kusoo oogeyso ciidamada Ruushka ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo gabood fallo kale.

Garland ayaa la kulmay dacwad oogaha guud ee Ukraine Irina Venediktova, oo hoggaamineysa baaritaanka lagu hayo waxa Kyiv ay ku sheegtay in ay yihiin 16,000 oo dambiyo dagaal ah oo la diiwaan geliyay tan iyo markii uu Ruushka soo galay dalkaasi ku dhawaad afar bilood kahor.

Ruushka ayaa beeniyay inuu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah ee ku sugan Ukraine.

“Waxaan halkan u joogaa in aan caddeeyo taageerada hagar la’aanta ah ee uu Maraykanku u hayo dadka reer Ukraine ee ku dhex jira duullaanka xaq-darrada ah ee Ruushku ku hayo,” ayuu Garland u sheegay warfidiyeenka.

Waxa uu Garland intaas ku daray “Maraykanku waxa uu dirayaa farriin aan mugdi ku jirin, ma jirto meel lagu dhuuman karo, innaga iyo saaxiibada caalamku waxa aanu raadin doonnaa wax kasta oo la heli karo si aan u hubino in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkan waxashnimada ah”.

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka oo uu madax ka yahay Garland oo ah sarkaalka ugu sareeya ee fulinta sharciga dalka, ayaa bilawday hawlgal u gaar ah oo loogu magac daray “KleptoCapture,” kuwaas oo diiradda saaraya sidii ay ula wareegi lahaayeen doonyaha raaxada iyo hantida kale ee maal-qabeenka Ruushka ee taageeray duullaanka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee Ukraine.