Mareykanka & Uganda oo kawada hadlay Taageerada Ciidanka ku howlgala ATMIS.

46

Jimco,05,August,2022 Madaxweynaha Uganda Yoweri Musevani oo aqalka Madaxtooyada ee Entebbe ku martiqaaday Danjiraha 31aad ee Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield waxa ay kawada hadleen nabadgalyada Qaaradda Afrika iyo taageerada Kampala ee ciidanka ku howlgala ATMIS ee Soomaaliya jooga.

Danjire Linda ayaa Dowladda & Shacabka Uganda uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan in ay dhexda u xirtaan mas’uuliyadda lagu sugayo nabadgalyada qaaradda Afrika kana muuqato Xukuumadda Kampala maadaama ciidan u dirtay.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in Danjirahaan ay qiimeyso nabadgalyada qaaradda Afrika, Xaaladda laga dhaxlay Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, xayiraadda Covid-19 & dhibaatooyinka kale ee sii cakiraya horumarka Qaaradda.

Danjire Greenfield waxa ay safar ku tageysa 3 Dal oo Qaaradda Afrika ah si ay uga gungaarto xog-baaristeeda ku saabsan heerka nabadgalyada Qaaraddaan ay gaarsiisan tahay & xaaladaha is baddelka cimilada, dhaqaalaha & cudurrada ku yeesheen Afrika.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan ku howlgala Midowga Afrika oo Militari & Booliis ah iyo askar kale oo xiran sumadda Qaramada Midoobay oo ilaaliya xarumaha & Xafiisyada UNSOM ee Xeen-daabka Xalane ku yaalla.

Waa dalkii ugu horreeyay ee Ciidan Nabad ilaalin ah usoo diray Soomaaliya 2007dii, xiligaas waxaa socday dagaallo u dhaxeeyay kooxihii ka farcamay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah & Ciidankii Dowladdii KMG oo garab ka helayay Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho soo galay.

Hiiraanweyn

.