Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland

88

Jimco,05,August,2022 Wararka ka imaanaya  Somaliland ayaa sheegaya in duleedka galbeed ee degmada wadaamagoo uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhawaac badan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in shilka uu yimid kadib markii ay isku dhaceyn Laba gaari oo kala ahaa Land-Crusser Iyo Garando 110 Ah, iyadoo ay ku dhaawacantay 5 ruux, halka tiro kale ay ku dhinteen.

Dadka uu dhaawacyada kasoo gaaray shilkaas gaari ayaa la sheegay in la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Caynaba, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Saraakiisha laamaha amniga Somaliland kama aysan hadlin shilkan gaari iyo sababta ka dambeysay inuu dhaco, waxaana tani lagu sheegay inay qeyb ka tahay xirfad yarida darawalada ka xeeya gawaarida iyo laamiyada oo uu burbur lixaadleh ka muuqdo.

 

Hiiraanweyn