Xogta Qaraxii maanta lagu weeraray ciidamada Gor-Gor ee ka dhacay Deegaanka kala-beyr ee G/Hiiraan

140

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HMC) -Qarax ismiidaamin ah ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta waxaa lagu weeraray saldhig si ku meel gaar ah ay u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla Deegaanka kala beyr ee dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Baladweyne.

 

qaraxa oo ahaa mid si weyn loogaga maqlay Deegaano badan oo aad uga fog fog ayaa ahaa mid Al-shabaab ay kasoo buuxiyeen gaari nuuciisa uu yahay dheyno.
Gaariga qarxay waxaa dusha sare lagaga soo raray muus badan oo Al-shabaaba ay uga gol-lahaayeen in aanan laga shakin.

 

Gaariga ayaa soo maray Goob shanshuurta lagu qaado sidoo kalana lagu baaro gaadiidka ciidamada ayaanan ka shikin gaariga maadaama uu waday muus inkastoo xaqiiqda aysan taas aheyn qaraxyana ay ka buuxeen.
intaasi ka dib Gaariga ayaa isku dayay in uu si xoog ku galo xerada ay ku sugnaayeen Ciiamada Dowladda gaar ahaan Ciidamada Go-Gor-
Waxaase uu ku qarxay meel u dhow iridka hore ee Xarunta Ciidamada waxaana u suuragashay Ciidaadii ku jiray waardiyaha in ay rasaas seeyaan.

 

Gaariga ayaa intaa ka dib qarxay waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo inta ugu badan gaaray Ciidamadda Gor-Gor- iyo Qaar ka mid ah Taliye yaashooda.
Taliye yaasha la xaqiijiyay in ay ku geeeriyoodeen qaraxa waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee C/ qani saciid Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamadda Gor-Gor ee ku sugnaa Kala-beyr.

 

Gudoomiyaha Magaalada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray in khasaaraha uu yar yahay Marka loo eego Baaxadda Qaraxa Dhacay.

 

Qaraxaan maanta ka dhacay Deeganka kala qeyb ayaa imaanaya iyadoo Maal-mihii lasoo dhaafay Howlgalo joogto ah ay sameeynayeen Ciidamada Maanta Xaruntooda la weeraray ee Gor-Gor ujeedka Ciidamada ay ujoogaan kala bery ayaa ah sidii ay u kaabi lahaayeen Ciidamada Militryga Soomaalia ee Howlgalada kawada inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Al-shabaab oo sheegatay Masuuliyadda Qaraxii maanta Ciidamada Gor-Gor-lagula eegtay Kala beyb waxaa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamadda Dowlladda.
Gobalka Hiiraan waxaa ka socda Guluf Calaadeed oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab.