Talado-December-12-2023-{HMC} Itoobiyaan badan ayaa nolol u raadsada waddanka xeebta leh ee Jabuuti, iyaga oo qaarkood ka hakaday safar halis ahaa oo ay ku tagi lahaayeen wadamada Bariga Dhexe.
Sidoo kale qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan, askar dalal kala duwan ka timid oo xerooyinkooda millatari ay ku yaallaan, darawallada gaadiidka xamuulka qaada, Aasiyaan dhisme ku jira iyo kuwo kale, ayay Jabuuti ku soo dhaweysay dalkeeda.
Jabuuti oo ah dalka keliya ee lagaga hadlo Faransiiska ee Geeska Afrika, waxa ku xeeran wadamo luqadda Ingiriisiga u isticmaala luqadda shaqada ama waxbarashada.
Aqoonyahankeeda ayaa sheegay in dalka Jabuuti oo ay ku xeeran yihiin dalalka Geeska Afrika ee ay colaaduhu aafeeyeen.
Sidaas darteed, waxaa jira tiro badan oo muhaajiriin ah oo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ah.
Gezashew Ghoshu, oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Jabuuti, ayaa sheegay in tirada dadka Itoobiya ee ku nool dalkaas lagu qiyaaso 150,000 ilaa 200,000 oo qof.
Qaar ka mid ah aqoonyahannada reer Jabuuti ayaa tirada u arka in intaasi ay ka badantahay.
Inta badan muwaadiniinta dalkaas ayaa ku nool caasimadda Jabuuti. Marka laga reebo, Cali Sabeh, Dikil, Tajuura, Carta iyo Obok waa gobolladeeda.
Dalkan oo ah marin laga soo galo Itoobiya oo aan bad lahayn, ayaa waxaa ku nool tiro badan oo Itoobiyaan ah oo aan sharci haysan.
Ato Cali ayaa yiri “waa wadan ku haboon in bulshadeena ay ku noolaato”. “Gaar ahaan dadka ku nool bariga iyo waqooyi bari waxay Jabuuti u arkaan gurigooda labaad.”
Waxa uu intaasi ku daray “Waa wadan wanaagsan in laga shaqeeyo hadii si sharci ah lagu soo galo oo aad shaqeyso”. “Dad badan oo naga mid ah ayaa halkan ku koray oo ka shaqeeya”.
Muwaadiniinta aan sharciga lahayn
Itoobiyaanku waxay u hayaamaan jihooyin kala duwan si ay nolol dhaanta tan dalkooda u helaan iyagoo sii maraya saddex waddan oo jaar ah.
Suudaan ayay uga sii gudbeen Liibiya iyo Yurub, Kenya oo ay u sii gudbeen Koonfur Afrika iyo Jabuuti oo ay uga sii gudbeen Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Ato Gezachew, oo ah dublamaasi u dhashay dalka Itoobiya, ayaa sheegay in inkastoo Itoobiyaanku dhowr sano ku noolaayeen Jabuuti, haddana ay ku adag tahay in ay helaan sharci deggenaansho.
Taasi waxay ku adkaysay inay carruurtooda u diraan goobaha waxbarashada.
Dowladda Jabuuti ayaa si bilaash ah ku siisay dhul dhan 4 hektar si ay iskuul ugu furaan jaaliyadda Itoobiya, waxaana ay ku uruurinayaan lacag ay ku bilaabaan dhismaha oo ah 5 milyan oo dollar.
Sarifle – Haweenka Soomaaliyeed ee lacagaha sarifa
Waxa la arkayaa iyaga oo ku fadhiya kuraas caag ah oo boorsooyinkooda waaweyn ay ka ag muuqdaan, iyagoo ku teedsan hareeraha waddooyinka ciriiriga ah ee Jabuuti.
Waxay ay halkaas ku sugaan macmiil kasta oo doonaya in uu lacag badasho, dadka deegaankuna waxay u yaqaaniin Sarifileyaal.
Lacagta waddamo badan ayaa lagu arki karaa boorsadooda ama laga heli karaa sarrifkooda, sida Doolarka, Euro, Pound, Faran Jabuuti, Birta Itoobiya, iwm. Luuqad ahaan waxa ay isku dayaan Amxaari aan badneyn iyo Ingiriis aan badneyn.
Laakiin waxay door bidaan Af-soomaali ama Faransiis, oo ah afafka hooyo.
Ma cadda sababta ay haweenku u yihiin kuwa kaliya ee lacagaha qalaad ku sarrifa Jabuuti.
Itoobiyaan ku hadla lix luqadood
Iyadoo Jabuuti looga hadlo luuqaddii ay ka dhaxleen gumeystihii Faransiiska, hadana waxaa jira dad badan oo ah muwaadiniin oo ku hadla Carabiga.
Dadkii hore ee dalka, Soomaali iyo Canfar, waxay leeyihiin afkooda hooyo. Waxay ku hadlaan af-soomaali iyo af-cafar.
Faris hooyadii iyo aabbihii waa Itoobiyaan. Waalidiintiisa ayuu ka maqlay halka uu asal ahaan kasoo jeedo laakiin weligiis Itoobiya cag ma dhigin.
Wuxuu ku hadlaa Soomaali, Carabi, Faransiis, iyo Ingiriis.
Intaas oo dhan marka aan ka hadleyno waxa uu sheegay in uu ka bartay bulshada uu la nool yahay iyo qaar uu dugsi ka bartay.
Faadumo, oo ka shaqeysa qaybta soo dhaweynta ee hoteel, waxay sidoo kale si fiican ugu hadashaa luqadda Ingiriiska. Waqtigan xaadirka ah, waxaa muhiim ah in lagu hadlo Ingiriisiga si loo soo dhaweeyo loona martigeliyo martida ka socota wadamada Galbeedka ama kuwa aan Faransiiska ku hadlin.
Waxay xustay in Ingiriisku yahay luqadda diblomaasiyadda, ganacsiga, difaaca, socdaalka, warbaahinta, filimada iyo internetka.
Rootiga Itoobiya ee Jabuuti
Jabuuti waxaa ku yaal maqaayado waaweyn oo badan oo ay Xabashidu leedahay.
Huteelada Minilik iyo Lafontaine waxay ku yaalaan bartamaha magaalada.
“Tani waa Jabuuti,” Farris ayaa leh, isaga oo farta ku fiiqay aagga ay hoteeladu ku yaaliin.
In ka badan 600 oo kun oo qof ayaa ku nool magaalada caasimadda ah ee Jabuuti oo keliya. Tani waa in ka badan kala bar tirada guud ee dadweynaha dalka.
Rootiga ayaa lagu iibiyaa waddooyinka Jabuuti qiimo dhan 100 Faran.
Foox, qaxwo cayriin ah iyo mid la shiilay, iyo uunsi ayaa si joogto ah loogu heli karaa halkaas oo ay Itoobiyaanku la la jaan qaadeen qaxootiga Yemen.
Jabuuti ayaa korontadeeda ka hesha dalka Itoobiya, balse dadka ku nool dalkaasi ayaa weli ka cabanaya qiimaha qaaliga ah.
Jabuuti waxa ay ka soo dhoofisaa qaadka, khudaarta iyo dalagga qaar ee Itoobiya.
Inkasta oo ay Jabuuti yar tahay, haddana waa dal muhiim u ah gobolka.
Dhanka waqooyi waxaa dega canfar, dhanka koonfureedna waxaa jooga Soomaali.
Labadan qoomiyad ayaa sidoo kale ku nool wadamo kale oo jaar ah oo ay ku jirto Itoobiya.
Muddo 24 sano ah ayaa laga joogaa markii uu talada dalka qabtay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo ku dhashay dalka Itoobiya.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee ka hawlgala dalka ayaa Madaxweynaha ku eedeyay inuu ku shubtay doorashada.
Ma jirto warbaahin gaar loo leeyahay oo Jabuuti ka jirta marka laga reebo warbaahinta dowladda.
Waxaa sidoo kale xanibaad lagu soo rogay baraha bulshada kadib colaada u dhaxaysa Canfarta iyo Soomaalida.
Saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika waxa uu ku yaallaa Jabuuti.
Japan ayaa sidoo kale saldhig millatari ka sameysatay meel ka baxsan dalkeeda markii ugu horeysay tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waana Jabuuti halka ay ka dhigatay saldhigga.
Shiinaha ayaa sidoo kale saldhig milatari ka furtay. Talyaaniga, Isbaanishka, Jarmalka, Faransiiska ayaa sidoo kale ku leh saldhigyo ciidan.
Xigasho BBC