isniin jan-1-2024-{HMC} Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin u hesho Badda Cas.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyi Somaliland inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Madaxtooyada Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin is-afgaradka uu shaaciyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Jabuuti inay sii amba-qaadaan wadahadalkii u dhexeeyey.