spot_imgspot_imgspot_img

Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo ka isaga baxay Magaalada Muqdisho

isniin jan-8 2024-{HMC} Warar diblumaasiyadeed oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu gudaha Soomaaliya ka baxay safiirkii wadanka Itoobiya u fadhiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Talaabadan uu Soomaaliya iskaga baxay danjire Mukhtaar Maxamed Waare waxay imaanaysaa xilli uu sii xummaanayo xiriirka labada dal tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis difaac la gashay maamulka Somaliland.

 

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Soomaaliya ay kasoo saartey bixitaanka danjire Mukhtaar oo timid maalmo kadib markii uu kasoo muuqdey shir looga dacwoonayay dalkiisa oo ka dhacay dalka.

Is-fahamkaas ayaa wuxuu sababay xiisad diblumaasiyadeed oo laga cabsi qabo in ay horseedo xasilooni darro ba’an taas oo saameysa guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

 

1-dii Janaayo, 2024 ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa is-faham kuwada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Is-afgaradkaas ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah ka kirinayso Somaliland dhul ay ka hirgelineyso saldhig ciidan iyo 20 KM dhul badeed ay Itoobiya adeegsaneyso.

Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u cambaareysay heshiiskaas waxayna ku tilmaamtay “faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay latashi ugu yeeratay danjirihii u fadhiyay magaalada Addis Ababa kaas oo waqtixaadirkan ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay madaxda waddanka.

WARARKA