spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Itoobiya oo diiday ka qayb galka Shirka Urur goboleedka IGAD

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ka cdur daaratay in ay dawlada Ioobiya ay ka qayb galayso shirka Urur Goboleedka IGAD ee ka beri ri qabsoomaya Magaalada Kambaala ee Caasimadda dalka Uganda islamarkaana looga hadlayo Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Arimaha badda .

 

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya loona diray Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in Dawlada Itoobiya aysan ka so qayb gali karin shirka arimo u gaar ah oo ay ku mashquulsan tahay darteed

 

Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa la filayay in 18 bishan oo beri ku aadan uu ka furmo dalka Uganda balse Dawlada Itoobiya ay diiday ka qayb galka shirkaas

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle islamarkaana ah madaxa Urur goboleedka IGAD ayaa kulan deg deg ah isgu yeeray madaxda IGAD kaas oo loogarinsanayo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya

 

Halkaan ka Akhriso warka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya ay ka cudurdaaraday in Itoobiya ay ka qayb gasho shirka IGAD.

WARARKA