spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya Oo Hawada Ka Celisay Diyaarad Ka Diwaangashan Thailand

Khamiis jan-18 2024-{HMC} — Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ka celisay Hawada Soomaaliya diyaarad ka diwaangashan dalka Thailand, ka duushay magaalada Sharjah ee Imaaraatka Carabta kuna wajahnayd Hargeysa.

Diyaarada ayaa ahayd mid xamuul, waxayna diiday in ay faahfaahiso Xamuulka {Cargo} ay wado, iyadoo macluumaad hordhac ah ay sheegayaan in ay qalab ay Xukuumadda Somaliland soo gadatay oo ciidan u badnaa agabyada ay waday diyaaraddan.

Diyaaradan ayaa loo diiday in ay gasho Hawada Soomaaliya, iyadoo lagu amray in aysan isku dayin talaabo qar iska xoornimo ah, waxaana la xaqiijiyey in ay laabatay.

WARARKA