Jimco jan-19 2024-{HMC} Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee kowdii bishan ku dhexmaray Addis Ababa madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo raai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa waxaa arrintan ka dhashay xiisad xooggan.
Dalal iyo ururo kal duwan ayaa ka hadlay heshiiska, waxayna inta badan muujiyeen sida loogu baahan yahay in la xushmeeyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa markii uu soo baxay heshiiskan waxaa markiiba ka soo baxay qoraalo iyo hadalo ay ku muujinayaan inay kasoo horjeedaan heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
2-dii Janaayo
Maalin uun ka dib markii heshiiskaasi is-afgaradka ah la shaaciyay ayuu Mareykanka bayaan ka soo saaray.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.
3-dii Janaayo
3-dii bisha Janaayo ayuu Mareykanku mar kale ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.
Mar kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Matthew Miller, oo qabanayay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay su’aalaha la xiriira mowqifka Mareykanka ee heshiiska isaga oo sheegay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay wararka ka imanya gobolka.
“Waxaan ku biirnay saaxiibada kale si aan u muujino walaaca halista ah iyo sidoo kale xiisadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu yiri Miller.
Waxa uu carabka ku adkeeyay sida Maraykanku rumeysan yahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu qeexay “xuduudihii 1960-kii”.
Mar wax laga waydiiyay in Mareykanku uu rumeysan yahay in heshiiska la baabi’iyo, afhayeenku wuu ka gaabsaday jawaab toos ah, isagoo ku celceliyay baaqa ku aaddan dadaal dublamasiyadeed .
“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.” ayuu yiri Miller.
16-kii Janaayo
Isla 16 kii bishan Janaayo ayuu mar kale Mareykanka ka hadlay halista uu amniga gobolka ku yeelan karo heshiiska badda ee u dahx maray Somaliland iyo Itoobiya.
John Kirby, oo ah isuduwaha xiriirka istiraatijiyada ee Golaha Ammaanka Qaranka, ayaa u sheegay warbaahinta in aqoonsiga ay Somaliland ay siiso Itoobiya “uu halis gelinayo” dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo gacan saar la leh ururka l-Qaacida.
“Xaqiiqdii hadda aad ayay noo dhibeysaa waxa lagu soo waramayo,” ayuu ka yiri heshiiska. “Waxaan taageereynaa madaxbanaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”
18-kii Janaayo
18 ka bishan January oo shalay ku beegnayd ayaa mar kale Mareykanka uu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiska toobiya iyo Somaliland ee muranka badan ka dhashay.
Mike Hammer oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan gobolka Geeska Afrika oo xalay ka hadlayay shir-madaxeedkii 42-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegay in mowqifkoodu uu yahay mid cad islamarkana “ay Somaliland u arkaan gobol soomaliya ka tirsan”.
“Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah”
Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in heshiiska is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland ay Al-shabaab ka dhiganeyso marmarsiiyo ay ku helaan dagaalyahanno cusub.
“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in heshiiska is-afagaradka uu qal-qal geliyay dagaalka dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda ee uu Mareykanka ka mid yahay kula jiraan Al-shabaab, waxaan durbaba aragnay calaamado muujinaya in Al-Shabaab ay heshiiska is afagaradka ay marmarsiyo ka dhiganeyso si ay dagaalyahano cusub u qortaan , Waa arrin amni oo muhiim u ah Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan labada dhinacba ku boorrineynaa inay iska ilaaliyaan tallaabooyinka xaaladda sii adkeyn kara”
Maraykanka ayaa waxaa uu galaangal xooggan ku leeyahay siyaasadaha iyo arrimaha ammaanka ee dalalka Soomaliya iyo Itoobiya.
Maxaa lagu heshiiyey?
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo dad badan ay qabaan in ay jahwareer keentay maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo badello heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.
Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay.
Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii saxiix heshiiska kadib khudbada uu jeediyay ku sheegay in Itoobiya ay u aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.
Itoobiya ma aysan xaqiijin arrintan, balse waxaa ay caddaysay in heshiiska is-afgaradka, ay ku jiraan qodobbo “sharci oo ah in si qoto dheer loo qiimeeyo mowqifka ku aaddan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga”.