spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Soomaaliya oo sheegay in Gacanta lagu dhigay askar dil geeystay.

Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Boliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako.

Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa ka xun dhacdadaas foosha xun. Eedeysanuhu si deg deg ah ayu cadaalada ku wajahayaa.
Wa bilaahi towfiiq.

WARARKA

Yaa gacanta ku haya Suuriya?