Sabti jan-20 2024-{HMC} Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah fadhioodi caadiga ahaa isugu yimid, waxaana shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Axmed Siciid.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ansixiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka kaas oo ka kooban 10 xubnood oomadax gudiyeedyo iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen.
Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.
Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:
Golaha wakiilada Puntland ayaa ansixiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka kaas oo ka kooban 10 xubnood oomadax gudiyeedyo iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen.
Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Baarlamaanka Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.
Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:
1-Maxamuud Shire Cismaan
2-Maxamed Siciid Cali
3-Maxamuud Dhakuul Xirsi
4-Cabdiweli Yuusuf Warsame
5-Cabdicasiis Axmed Saalax (Dhahar)
6-Xasan Yuusuf Majabe
7-Mowliid Abokor Caafi
8-Xassan Ducaale Cali (Dhagax-tuur)
9-Yaasiin Jaamac Cumar
10-Cabdirisaaq Jaamac Aadan
Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Maamulka Puntland.