spot_imgspot_imgspot_img

Tower 22: Saldhigga milatari ee ay doonayeen in Mareykanka iyo Urdun ay qariyaan ee la weeraray

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Kaddib markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo inaan dagaal ballaaran ku qaadno bariga dhexe’.

Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay tobanaan askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii Israel ay duulaan ku qaaday Qaza.

Hase yeeshee arrinta xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Saldhigga Milatari ee ay Kooxda Maleeshiyada ah weerartay uu ahaa mid qarsoon oo ay wada degganaayeen Maraykanka iyo Urdun, weerarkaas kadib, waxa uu hadda noqday mid indhaha Caalamka ay hayaan.

Halkee ayay ku taallaa xarunta militariga Mareykanka ee Tower 22?

Weerarka ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin waqooyiga bari ee dalka Urdun oo loo yaqaan Tower 22. Wuxuu ku yaal meel u dhow xudduudda Suuriya.

Sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee cadawgu ay ku socotay “xawaare aad u hooseeya”, isla markaana ay ku soo dhawaatay saldhigga, xilli ay ku soo wajahan tahay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sida uu sarkaalku sheegay, waxaa la damiyay si toos ah habka difaaca hawada ee saldhigga, iyadoo la eegayo soo laabashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, si aysan u soo ridin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Taasi waxay keentay in askarta ku sugan Tower 22 aysan wax digniin ah helin oo ay hurdeen qolalka ay ku jireen markii ay diyaaraddu soo weerartay.

Ku dhawaad 350 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan saldhigga, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), doorkoodu waa in ay taageero siiyaan ciidamada isbaheysiga ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Saldhigan ayaa ku yaala meel u dhaw xadka Urdun iyo Suuriya, waxaana xuduuda Ciraaq u jirta 10 kiilomitir oo kaliya.

Deegaankan oo loo yaqaan Rukban ayaa ah deegaan ku teedsan xudduudda Suuriya halkaas oo laga dhisay xeryo qaxooti oo aad u ballaaran xilligii dowladda Islaamiga ah ee la magac baxday Khilaafada Islaamka sanadkii 2014-kii.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ku noolaa halkan waxaana laga mamnuucay inay soo galaan Urdun sababtoo ah waxay ka baqayeen in kooxaha xagjirka ah ay soo galaan dalka. Cabsidan ayaa la xaqiijiyay markii todoba ka mid ah ilaalada Urdun lagu dilay weerar baabuur oo dhacay sanadkii 2016-kii.

Weriyaha gaarka ah ee BBC Carabi Faris Keilani ayaa ka mid ahaa saxafiyiintii booqday saldhigan milatari sanadkii 2016. Hase yeeshee, looma ogolaanin in ay wax ka duubaan xarunta.

Waxa uu tilmaamay in Saldhigga Millatari ee Maraykanka uu ahaa mid daahsoon oo loo qariyo, isla markaana Urdun iyo Maraykanka midkoodna aanu shaacin joogitaanka Saldhigga Millatari ee uu ku leeyahay Dhulka Urdun.

Balse weerarka ka dib, Pentagon-ka ayaa ku qasbanaaday inuu shaaciyo goobta saldhigan markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay 2016-kii.

Sida laga soo xigtay Fars, waxa uu saldhigan ku tagay diyaarad helicopter ah oo ka soo qaaday xero ciidan oo ku taal Urdun, waxaana hawada laga ogaaday sida uu saldhigan ugu dhow yahay Suuriya.

“Xuduudda oo dhan, waxaan ku arkay kumannaan teendhooyin oo ay qoxooti Suuriyaan ah dhigteen bartamaha saxaraha,” ayuu yiri.

“Saldhigga waxaa ku wareegsanaa darbiyo dhaadheer oo lagu xiray silig, waxaana lagu rakibay kamarado milateri, waxaana dhinac walba ilaalinayay ciidamada Urdun. Waxaan ogaaday inay jiraan dad badan oo ku labisan dhar caadi ah, baabuur yar yar, mootooyin iyo taawarrada isgaarsiinta.”

Kooxda Daacish ayaa saldhigaasi la beegsatay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay sanadkii 2016-kii, halkaasi oo ay ku dileen lix askari oo ka tirsan ciidamada Urdun ee ilaalada ka ahaa saldhiga. Markaas ciidanka Urdun waxay sheegeen in ay iyaga saldhig u tahay.

XIGASHO BBC SOMALI

WARARKA