spot_imgspot_imgspot_img

Wuxuu lugtiisa ku qaaday Koobka Qaramada Afrika 1 sano ka dib markii uu xaniintiisa ku waayey cudurka Kansarka

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Sebastien Haller sannad ka hor wuxuu la daalaadhacayey kansarka xaniinyaha ku dhaca, wax rejo ahna kama qabin in uu dib dambe banooni u laado, iska daa in uu xulka qarankiisa u saftee.

Laakiin dhabar adayg, dhiirranaan iyo nasiibkiisa ayaa saaciday.

Haller oo ay iska dhaleen aabbe Faransiis ah iyo hooyo u dhalatay Ivory Coast, wuxuu ku dhashay dalka Faransiiska.

Sannadkii 2020 isagoo ka tirsan kooxda West Ham ee dalka Ingiriiska ayuu doortay in uu matalo qaranka hooyadiis.

Sannadkii xigey ee 2021 wuxuu u wareegey naadiga Ajax ee ka dhisan dalka Holland, halkaas oo uu xiddig ka noqday, taas oo u sahashay in uu u wareego kooxda Borussia Dortmund ee Jarmalka.

Wuxuu noqday weeraryahan la caabbin waayey oo caadka maraya, ka dibna cudur halis ah ayaa ku soo baxay.

Bishii Luulyo 2022 ayaa waxaa Haller buro laga helay xaniintiisa, taas oo uu la anfariirey.

Intaas ka dib Haller wuxuu galay qalliin looga saaray xaniintii bugtey, ka dibna wuxuu billaabay in hawl gubitaanka unugyada jirran ee loo yaqaan chemotherapy.

In kasta oo uu isbitaal u galay cudurka Kansarka, marnaba isma dhiibin oo nolosha kama quusan.

Lix bilood oo labo qalliin iyo intaas oo gubitaan ah lagu sameeyey ka dib, Haller si tartiib tartiib ah ayuu garoomada ugu soo noqday illaa uu ugu dambeynta mar kale u saftay kooxdiisi Dortmund.

13 bilood ka dibna wuxuu dhaliyey goolkiisi ugu horreeyey ee ciyaaraha Qaramada Afrika 2023 ee dalkiisu martigeliyey. Goolkaas oo ay kooxda Maroodiyada ugu soo baxeen ciyaarta kama dambeysta ah, wuxuu sare u qaaday niyadda kooxda oo ay si daran uga jiiftey.

Sebastien Haller halgan dheer ka dib, habeenkii Axadda 11 Febraayo 2023 ayuu bog cusub ku qoray taariikhdiisa, ka dib markii uu dhaliyey goolkii libinta ee dalkiisa ku hantay Koobka Qaramada Afrika.

Ciyaaryahankan ciddii sannad ka hor ku dhahda waxaad lugtaada ku qaadi doonta koobka Qaramada Afrika, marnaba ma rumeysteen.

Tartanka Qaramada Afrika oo sannad walba la qabto waxaa sannadkan ku baratamey 24 xul oo si adag ugu loollamay hanashada koobkan, waxaana ciyaartii kama dambeysta ahayd isaga hor yimid dalka sannadkan tartanka martigeliyey ee Xeebta Faan Maroodiga & xulka Nigeria.

Labadan dal ee ku yaal Galbeedka Afrika oo ah kuwo kubadda cagta lagu xagliyo wajigoodu iskuma cusbayn, waxaana ka dhexeeya xafiiltan qaraar oo dhanka kubadda cagta ah, balse marka ciyaartoyda ay sannadkan la soo shirtageen la eego, sinnaba uma sinneyn.

Xulka Nayjeeriya oo lagu naynaaso Gorgorrada sarsare waxay koobkan horay u qaadeen saddex jeer oo kala ah 1980, 1994, 2013, waxayna doonayeen in ay markii afraad koobka Abuja ka dejiyaan.

Nayjeeriya oo uu horkacayey weeraryahankooda u ciyaara kooxda Napoli Peter Osimen, islamarkaana haysta xiddigga sannadkan ee kubbadda Cagta Afrika.

Waxay ciyaarta kama dambeysta ah yimaadeen iyagoon marnaba dhinacooda dhulka la dhigin.

Halka xulka Ivory Coast ee loo yaqaan Maroodiyadu oo horay koobkan u soo qaaday labo jeer oo kala ah 1992, 2015, aysan sannadkan isku toosneyn; iyagoo marar badan ku sigtay in ay tartanka isaga haraan, ka dib markii ay dhowr jeer taageereyaashooda ku hor kufeen.

WARARKA