spot_imgspot_imgspot_img

DFS Soomaaliya oo 9 Xildhibaan iyo Hal Wasiir ku darsaneysa daladda dhaqaalaha ee bulshada EAC

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa shalay si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika{EAC}, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania

 

Dalalka Bariga Afrika ee ku mideysan daladda EAC ayaa waxa uu dal walbo ku leeyihiin tiro xildhibaano ah iyo wasiir , kuwaa oo dowladahooda ku matelaya daladdan dhowrka waddan ku mideysan yihiin

 

Soomaaliya oo hadda si rasmi ah uga mid noqotay daladda Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika{EAC} ayaa laga rabaa in ay kusoo darsado daladdaasi 9-xildhibaan oo ku mateli doona iyo sidoo kale hal wasiir oo isna shirarka daladda ka qeyb gala

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana la filayaa in ay magacawdo 9-ka xildhibaanka iyo wasiirka ku mateli doona daladda EAC, waxaana muddo xileedka xildhibaanadaasi noqoneysaa shan sanno

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaa dedaal badan galiyay sidii ay Soomaaliya xubin rasmi ah uga noqon aheyd daladda Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana daladdan wax badan ka faa’iidi doona bulshada Soomaaliyeed ay ugu horreeyaan ganacsata.

WARARKA