spot_imgspot_imgspot_img

Hoggaamiyaha Kooxda Budhcadka ah ee Dalka Haiti oo Dagaal Sokeeye ku Hanjabay

Khamiis March 7, 2024 {HMC} –  Hogaamiyiha kooxdan budhcadda ah ee ka dambeeyay rabshadaha lagu xasuuqay caasimadda Haiti ayaa ka digay in uu dhici doono “dagaal sokeeye” haddii uusan xilka ka dagin ra’iisul wasaaraha Haiti, Ariel Henry.

Jimmy “Barbecue” Chérizier ayaa hanjabaadda jeediyay xilli xubno ka tirsan kooxdiisu ay isku dayeen in ay qabsadaan garoonka diyaaradaha ee caasimadda si ay u joojiyaan Ariel Henry inuu ka soo laabto dibadda.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid faraha ka baxday.

Kumanaan reer Haiti ah ayaa ku qasbanaaday in ay cararaan.

Kooxaha gargaarka ayaa sheegay in ilaa 15,000 oo qof oo ay ku jiraan carruur badan ay ka barakaceen guryahoodii toddobaadyadii la soo dhaafay.

Mr. Türk waxa uu sheegay in tan iyo bilowgii sanadkan, “1,193 qof ay ku dhinteen, 692 kalena ay ku dhaawacmeen rabshado ay geysteen kooxo budhcad ah”.

Waxa uu ku booriyay beesha caalamka in ay “dhakhso ay go’aan qaadasho u sameeyaan si ay uga hortagaan in Haiti ay sii gasho fowdo”.

WARARKA