Sabti-09-March,-2024-{HMC} Diyaarad nuuca xamuulka qaada una rarnayd ATMIS ayaa goordhow waxa ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar kaddib markii ay ka baxday Dhabaha ay ku cararaan Diyaaradaha.
Dadka saarnaa ayaa la wariyay in laga bad baadiyay Diyaaraddaan dhacday ayna jirin khasaara soo gaaray.
Dadka qaar ayaa wariyay in uu diyaaradda dab qabsaday marka laga soo bad baadiyay Dadkii saarnaa inkastoo markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabka.
Weli faah faahin intaas dheer lagama hayo shirka Diyaaradeed ee Garoonka Jowhar ka dhacay.