spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya Iyo Marekanka oo Kawada Hadlay Arimo Xasaasi Ah.

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Shane L. Dixon, kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka oo ku dhex taalla garoonka Aadan Cadde.

Labada ma’sul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab , hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiir Jaamac oo madasha ka hadlay  ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda iyo amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan taageerada kala duwan ee ay siiyaan dowladda federaalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro AS kaas oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro AS wuxuuna dalka ka fuliyaa duqeymo culus.

Sidoo kale wuxuu taageero milatari iyo tababar siiyaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay weli dalka kasii socdaan howlgallo culus oo lagu beegsanayo kooxda AS ayna iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

WARARKA