Jimco 31 May 2024 {HMC} Hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeysay dib u eegistii koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib kulamo isdaba joog ahaa oo dhexmaray madaxda dowladda Fedaraalka iyo gudiga sarre ee hay’adda IMF, tan iyo wixii ka dambeeyay deyn cafinta.
Shirarkii u dhaxeeyay Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa IMF ayaa soo socday tan iyo bishii Decembar ee sanadkii lasoo dhaafay, xiligaas oo aheyd markii Soomaaliya laga cafiyay deynta.
Guddiga sare ee hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan ku socoto dhabaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Warka kasoo baxay guddiga sare ayaa loogu ogolaaday dowlada Soomaaliya in si deg deg ah loo siiyo lacag dhan $10 milyan oo doolar oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib u habaynta Maaliyadda.
“Hey’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 Boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadii tagtay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba” ayaa lagu yiri war kasoo baxday IMF.
Talaabadan ka soo baxday guddiga sare ee hay’adda IMF ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay mudooyinkii dambe xooga saartay arrimaha la xariira horumarinta barnaamijyadeeda dib u habeynta Maaliyadda oo ay mudnaan gaar ah siiyay.
Si kaataba ha ahaatee talaabadaan ayaa noqoneysa guul kale oo muhiim ah oo u soo hotay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.