Khamiis 30, May 20224 {HMC} – Xildhibaanada lagasoo doorto ismaamulka Wajeer iyo calumo awdiinka deegaanka deegaanka oo war saxafaadeed qabtay ayaa sheegay in ay mamnuucayaan maandooriyaha Makuga luu yaqaano ee kabaxa dalka Kenya.
“Maqooqaha waxuu kamid yahay daroogada faraha badan oo bulshada dhibaatooyin u keensada sidaas darteed ayaan go’aan uga gaadhnay.” sidaas waxaa BBC da u sheegay Aadan Cabdi Buule oo ah xildhibaan lagasoo doorto Wajiir
Xildhibaanku waxuu sheegay in masuuliyaddi ka saarantahay dadka deegaanka iyaguna ay yahiin dadkii danahooda matali lahaa, sdiaa daraadeedna ay tahay in u istaagaan arimaha saameynta ku leh.
“Dowlad goboleedka hadii aan nahay masuuliyad baa naga saaran shacabkayaga innaga gorgortan kama galayno, saamay weyn ayuu ku leeyahay magaalada [Wajeer] waana falanqaynay annagoo ah xildhibaanadii lasoo doortay iyo culimo awdiinka”
Dalka Kenya waxaa ka dhalatay hadal hayn baaxad leh oo uu keenay nooc kamid ah qaadka suuqyada dalka lagu iibiyo kadib markii saddex kamida gobolada dalka ee dhaca dhanka xeebta laga joojiyay isticmaalka qaadkaan.
Joojinta qaadkan ayay goboladu u cuskadeen in uu noqday mid saamayn baaxadleh oo caafimaad ku yeeshay bulshada goboladooda keenayna xanuunno dhanka dhimirka iyo cuduro dadka isticmaalana ay noqdeen kuwo danbiyo ku kaca.
Beeroleyda uu u baxo qaadkan ayaana arrintaas aad uga cadhootay iyada arrintaasi ay sababtay in madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo safar dibadda ah ku maqnaa markuu soo noqdayba la fadhiistay beeroleyda isaga oo sheegay in qaadka nooca loo yaqaanno Makugga uu yahay mid sharci ah sidaas oo ay tahayna aan la hor istaagi karin.
“Haddii aan dowladda ay nala qaadan wayno in aan joojino waxaan kordhin doonaa canshuurta dadkayga keenana waxaan ka codsanaynaa in ay joojiyaan qaadka oo ay dadkoodana u naxaan ilaahayna ka cabsadaan.” Ayuu yidhi Aadan Cabdi Buule oo ah xildhibaan lagasoo doorto Wajeer,
Maxaa farqi ah oo u dhexeeya Makuga iyo Miiraaga?
Ururka Cilmi Baadhista Xoolaha iyo Beeraha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in farqiga u dhexeeya Miiraaga iyo khaadka nooca Makuga loo yaqaanno Soomaaliduna u taqaanno ‘maqooqaha’ in uu yahay in cadadka labada maado ee loo yaqaanno Cathines iyo Cathinones uu yahay oo ah labada Kimiko ee mirqaanka sababa.
Sidoo kale kala duwanaanshaha ayaa ah in khaadka Miirooga lasoo jaro isaga iyo laantiisaba halka kan Makuga isaga caleentiisa bas ah geedka lagasoo jaro.
Qiimaha suuqyada dalka Kenya lagu iibiyo ayaa aad u kala duwan qiimaha miirooga caadiga ah inta ugu yar ee suuqa laga iibsan karo waxay ku fadhidaa 150-200 oo shilinka Kenya ah lacag u dhinta [$1.15-1.54], halka Maqooqaha lagu iibsado 50 shilling [$0.38].
Sidoo kale kala duwanaanshaha kale ee u dhexeeya waa mudada lagusoo guro labadoodaba qaadka Miirooga waxaa lasoo guraa 28 berri kadib bixitaankiisa halka kan Makuga lagusoo jaro 7 berri keli ah.
Khaadka Miirooga waa mid si maalinle ah loogu dhoofiyo dalka Soomaaliya laakiin kan Makuga kamid ma’aha noocyada qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya.
Sannadkii 2022 kii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah kaas oo ka koobnaa toban qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Kenya Soomaaliya u soo dhoofin doonto qaadka oo muddo ka xayirnaa, Soomaaliyana ay u dhoofin doonto kalluunka dalka Kenya.
Heshiishkaas markii la kala saxiixday 4 berri oo qudha Kenya jaadkii ay Soomaaliya u soo daashubay waxay ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah ($1.9 Million). Axdigii ay kala galeen dowladda Kenya iyo Soomaaliya dantii dhanka Kenya ay lahayd way gaadhay oo beeraleydeeda beerata qaadka way qancisay iyada oo Kenya ay ka samayso qaadka malaayiin doolar sanadkii.