Axad 2 June 2024 {HMC} Shacabka Magaaladda Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa u istaagay sidii ay isku tashi Bulsho ugu dhisan lahaayeen Isbitaal guud oo ay yeelato Degmadaas kaasi oo ay baahi weyn u qabaan dadka deegaanka .
In la hirgaliyo Isbitaal guud oo ah Howl aad u adag waxaa ka qeyb qaadashahiisa u istaagay ilaa hadda Qurba joogta, Ganacsatada iyo qeeybaha kale ee Bulshada reer Moqokori.
Isbitaalkaan oo loogu magac daray Moqokori General Hospital ayaa si rasmi ah maanta loo dhagax dhigay dhismihiisa oo mudo socon doono.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Degmadda Moqokori Xasan Barre Makaraan Isku duwaha caafimaadka Gobolka Hiiraan Xasan Barqadle iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse salaad wehliye ayaa Goob joog ka ahaa daahfurka dhismaha Isbitaalka Moqokori.
ku dhawaad Sanad iyo lixbilood oo Gacanta Dowladda ay ku jirto Magaaladdaan waxay heshay Adeegyo Dowladeed oo ay ka mid yihiin Dhismaha xarunta Maamulka Degmadda.