{DAAWO SAWIRADA} Tababar qeybaha bulshada logu qabtay magaalada Jowhar

0
88

Talaado 4 June 2024 {HMC} Ururka dhalinyarada SOYWEM oo tababar laba maalin soconaya qeybaha bulshada ugu qabtay Magaalada Jowhar.

Tababrka oo socon doona maalmaha 4 ilaa 5ta bishan June 4, 2024 waxaa ka qeybgalaya ilaa sodon xubnood oo ka kala socdo qeybaha bulshada magaalada gobalka Shabellaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar sida Haweynka dhalinyarada dadka baahiyaha gaarka qaba iyo wariyaasha magaalada.

Mudada uu tababarka socdo ka qeyb galayaashu waxaa ay ku baran doonaa cashiro ku saabsan sare u qaadida aawoda ururada bulshada rayidka iyo suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Jowhar.

Tababarka oo uu fulinayo Ururka Somali Youth workers and Equality Movement ( SOYWEM ) waxaa taageeraya UNSOM qeybta xuquuqul Insaanka.

SOYWEM ayaa tababr kale oo arimaha bulshada ku saabsan waxaa uu hore ugu qabtay magaalada Baledweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

Tababar qeybaha bulshada logu qabtay magaalada Jowhar 2

Tababar qeybaha bulshada logu qabtay magaalada Jowhar 1 Tababar qeybaha bulshada logu qabtay magaalada Jowhar

 

Xafiiska wararka Radio Hiranweyne ee magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here