Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa bixiyey digniin ku wajahan wadamada Reer-galbeedka isaga oo sheegay in Moscow ay hubeyn karto waddamo damacsan in la weeraro bartilmaameedyada Reer-galbeedka.
Putin ayaa ku dhaliilay wadamada Reer-galbeedka hubka riddada dheer oo ay geeyeen dalka Ukraine.
Dhowr waddan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine siiyay oggolaansho buuxa oo ay ku garaaci karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.
Tallaabadan oo kale waxay horseedi kartaa “dhibaatooyin aad u daran”, ayuu Putin u sheegay saxafiyiinta ajnabiga ah.
Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Jarmalka oo dhawaan Ukraine u sheegay in ay xor u yihiin in ay ku garaacaan bartilmaameedyada gudaha Ruushka hubka riddada dheer ee Jarmalka.
“Marka ay yiraahdaan waxaa jiri doona gantaallo badan oo an ku garaaci doonno bartilmaameedyada dhulka Ruushka, tani waxay si dhab ah u burburinaysaa xiriirka Ruushka iyo Jarmalka,” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ukraine u fasaxay in ay u adeegsato hubka uu Mareykanka keeno si ay u weerarto bartilmaameedyada Ruushka, balse kaliya meel u dhow gobolka Kharkiv.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Ukraine aysan isticmaali karin gantaallada riddada dheer ee ATACMS dhulka Ruushka.