Hogaamiye Firdhiye oo xalay qaaday talaabo ka dhan ah Soomaaliland.

0
115

Arbaco June, 26, 2024 {HMC}-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqadir Axmed Aw-cali ayaa Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya kala qaybgalay Munaasibadda Xuska 64-Guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed
ee 26-ka Juun.

“Waxaan ahay mas’uul matalaya gobolada waqooyi. Waxaan ku faraxsanahay in aniga oo xukuma gobolada waqooyi ina taagan midnimada aan kasoo qeybgalo xuska 26-da June,” ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa ka qaybgalay Munaasibadda 64 guurada Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun oo lagu qabtay Caasimadda SSCKhatumo ee Laascaanood.

Hoggaamiye Kuxigeenka ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed Munaasibadan, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey bulshada SSC-Khaatumo oo door shariif ah ka qaatay halgankii Guumaysi diidka ahaa iyo Midnimada dadka iyo dalka
Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here