Muxuu madaxwaynaha Ukriane ka filan karaa Trump haddii Dib loo doort?

0
71

Jimco 19 July 2024 {HMC} Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in la shaqeynta Donald Trump haddii mar kale loo doorto madaxtinimada Mareykanka ay noqon doonto “mid aad u adag”,

Balse dadka reer Ukraine ay diyaar u yihiin.  Zelensky wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid kasta oo ku guuleysata awoodda Mareykanka.

Trump ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu u doortay Senator J.D. Vance oo laga soo doorto Ohio inuu noqdo madaxweyne ku xigeenkiisa doorashada madaxtinimada ee la qorsheeynayo inay qabsoonto bisha November.

Vance, oo 39 jir ah, ayaa horay u yiri “waxba igama galin waxa ku dhacaya Ukraine sidey doonto ha noqotee .”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here