Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAAWO SAWIRADA }Xukuumadda Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib weerarkii Xalay Liido

Sabti 3, August 2024 {HMC} Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban oo looga hadlay sidii loo laba jibaari lahaa u gurmashada dadka shacabka ahaa ee xalay AS ku beegsadey xeebta Liido.

Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya , guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA, Wasiiro iyo xubno kamid ah gudiga arrimaha bulshada Baarlamaanka JFS,

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in gurmadku u socdo sidii loogu tala galay lana sameenayo wax kasto oo dedaal ah, waxa uuna xusay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan waxii soo kordha.

”Isbitaalada waa in si lacag la’aan ah ay ku daaweeyaan dadka ku dhaawacmey weerarkii Xalay, intii laga maarmi waayo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya.

Weerarkii xalay kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay dad ku dhaw 40-qof, halka ku dhawaad 100-qof oo kalana dhaawacyo soo gaareen, kuwaa oo hadda xaaladooda lagula tacaalayo xarumo caafimaad.

WARARKA