Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidankii AS kuLa Dagaalamay Jubbaland oo Buskud Iyo Agabyo Kala La Gudoonsiiyay

Axad 4, August 2024 {HMC} Ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa dhiirogelin iyo ammaan badan ku mutay dagaal adag ay la galeen ugana adkaadeen kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Ciidankan huwanta ah ayaana casharo lama ilaawaan ah u dhigay isbuucyo kahor kooxda Al Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday deegaanno ay ciidanka joogeen, waxaana Al Shabaab weeraradaasi looga dilay in ka badan 100-dagaalyahan.

Xildhibaan Shukri Xareed oo kamida golaha Wakiikada Jubbaland ayaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada Hoose gaarsiisay 100-kiish oo buskud diyaarsan iyo agab kale oo muhiim ah.

Xildhibaannada iyo haweenka magaalada Kismaayo ayaana deeqdan buskutka ah ugu tala galay dhiirogalinta ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland, waxa ayna ciidanka ku amaaneen sida ay uga adkaadeen cadawgooda Al Shabaab.

Dhallinyarada magaalada Kismaayo ayaa sidaan oo kale maalmo kahor deeq xoolo ah u gaarsiiyay ciidamada xoogga iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, iyagoona ugu tagay dhallinyaradan ciidanka sidii ay dhiirogalin iyo garab istaag ugu muujin lahaayeen.

WARARKA