Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Isra’il oo duqeymo cirka ah ku garaacday Gaza iyo Daanta Galbeed

Axad 4, August 2024 {HMC} Ugu yaraan 15 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi shalay ku bartilmaameedsadeen iskuul ku yaalla magaalada Gaza oo ay daganaayeen qoysas barakac ah.

Duqeyntaasi ayaa dhacday, saacado kaddib marki ay Xamas sheegtay in laba weerar oo cirka ah oo ay Isra’il ka fulisay dhulka ka heysto ee Daanta Galbeed lagu dilay ilaa 9 ka mid ah dagaalyahannadeeda oo uu ku jiray sarkaal sare.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in weerarki koowaad ay la eegteen baabuur ay saarnaayeen dagaayahanno ka tirsan garabka millatari ee Xamas, kaas oo marayay meel u dhaw magaalada Tulkarm.

Bayaan kasoo baxay Xamas ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah dadka la dilay uu ahaa abaanduulihi guutada Dulkaram , halka kooxda Islamic Jihad ay iyaduna sheegtay in afar ka mid ah dagaalyahannadeeda lagu dilay weerarkaasi.

Duqeynta kale ee Gaza ayay Isra’il ku beegsatay xaafadda Ridwan ee bartamaha Gaza. Isra’il waxay sheegtay in iskuulka ay duqeysay uu xarun howlgal u ahaa Xamaas. Xamaas ayaa arrintaasi beenisay.

WARARKA