Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey Tahay sababta uu Taliyaha Cidianka Boliiska Soomaaliyeed u tagay Xarunta INTERPOL

Friday 9 August 2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Cidianka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa safar shaqo ku tagay Xarunta Guud ee INTERPOL ee ku taalo Magaalada Lyon Wadanka France.

Xoghayaha Guud ee INTERPOL Secretary General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay Xarunta INTERPOL Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafdiga uu hoggaaminaayay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah Boliiska Caalamka ee INTERPOL gaar ahaan Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo xoojinaya xiriirka iyo taageerada waddankeena ee la dagaalanka Araggixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta Dadka iyo Hubka, Dembiyada abaabulan, burcad badeedka, Kalluumeysiga Sharci darada ah iyo fududeybta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah.

Booqashada Taliye Sulub iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo qaadatay muddo 3 Cisho ah, ayaa waxaa is afgarad laga gaaray Sare u qaadista Xirfadaha Baarista Dembiyada,

Isticmaalka Keydadka Macluumaadka INTERPOL ee kala duwan iyo iskaashiga hawlgalada Boliiska Caalamiga ah ee INERPOL.

WARARKA