Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Oday Aflagaadeeyay MD Xasan Sheikh oo La Xiray

Axad 11 Aug,2024 {HMC}  Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Madaxaweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Odaygan ayaa ka dhex muuqday muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada isagoo ku sugan meel suuq ah oo sida cod baahiye uu ku aflagadeeyey Madaxaweynaha.

“Xassan baahane waa dhergi waayey xitaa haddii uu gatay Qabuurihii, xaafada Sei-biyaano, Kawaankii Bakaaraha iyo dhulal kale, sidaas awgeed waxaan u ururinayaa lacag sadaqo ah” ayuu ninkaas ku yiri hadalka uu ugu gefay Madaxweynaha.

Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay iney ka badan tahay 60 sano jir ayaa dadka garanaya waxay sheegeen inuu yahay qof xanuunsan oo madaxa looga jiro, hadda ka horna magaalada wareegi jiray isagoo xiran dharka haweenka.

WARARKA