Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Waa Kuwee Xildhibaanada Xalafad Darteed Uga Baaqday Kulanga Baarlamaaanka?

Isniin 12 Aug 2024 {HMC} Waxaa maanta oo Isniin ah kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii inta badan xildhibaannada ay kulanka soo xaadiri waayeen .

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlaamka Cabdullaahi Cumar Abshirow , oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta kooram la’aan u baaqday, waxa uuna xusay in xildhibaannada qaar aadeen xaflad caawa ka dhaceysa Jowhar iyo xildhibaanno kale oo shir u aaday magaalada Nairobi.

“Xildhibaanno aad ayaad u mahadsan tihiin, inta maanta soo xaadirtay kooramka intaan waxaa gaarsiiyay xildhibaannadii HirShabelle maanta aaday, sidoo kale guddigii maaliyadda ayaa Nairobi ku maqan siminaar ayuu jiraa. Shalay waxaan isku ogeyn xildhibaannada HirShabelle aadaayo inay saaka kooramka saxiixaan qayb oo kaliya ayaa ka saxiixday, qaybna ma saxiixin”’ ayuu yiri guddoomiye Abshirow.

Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka in kulankii Baarlamaanka maanta u baaqdo xildhibaanno iska aaday xaflad iyo xildhibaanno kale oo fasax la’aan iska maqan.

Marar badan ayaa kulamada Golaha Shacabka waxa ay u baaqdeen kooram la’aan, guddoonka Golaha Shacabka ayaana markasta ku hanjaba in tallaabo ka qaadayaan xildhibaannada aan xaadirin kulamada golaha, hasa ahaatee ma jirto tallaabooyin la qaaday , waxaana wali baaqda kulamada Golaha.

WARARKA