Talaado 3, sep 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ee magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler oo uu wehliyo Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar.
Kulamada wasiirrada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tamarta.