Tuesday, September 10, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dad Shacab ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

Talaado 3, Sep 2024 {HMC} in kabadan saddex qof ayaa lagu dilay magaalada taariikhiga ah ee Gonder ee woqooyiga Itoobiya, kadib markii bilayska ammaanku ay rasaas nool ku fureen dad mudaharaadayey kuwaas cambaareeyey afduubka iyo dilka ilmo yar oo laba jir ah, sida ay dad goob joogayaal ahi u sheegeen BBC.

Ilmahan yar oo lagu magacaabo Nolawit Zegeye, ayaa waxaa gurigooda ka kaxaystay dad aan la garanayn dhammaadkii usbuucii hore kuwaasoo dalbaday 300 000 Birr ($2700) si loo sii daayo. Inta badan lacagta la dalbaday ayaa la bixiyay balse afar maalmood kadib markii la’aftuubtay, meydkeeda ayaa waxaa lagu soo tuuray meel u dhow guriga waalidkeed sida ay sheegeen eheladeeda.

Falkan ayaana caro ka dhalisay guud ahaan magaalada. Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyagoo meydkeeda waxaana ay dalbanayeen in cadaalad ay helaan, sidoo kale dowladda

iyagoo dalbanaya in cadaaladda la helo, waxayna dowladda ku dhaleeceeyeen inaysan ilaalin amaankooda.

Dalka Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay afduubyada iyo dambiyada rabshadaha wata.

Warbixin ay Talaadadii soo saartay hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee dawladu u magacawday, Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa sheegtay in afduubka madax-furashada “ay kordheen oo uu baahay” bilihii la soo dhaafay. Labada gobol ee Oromia iyo Axmaarada ayaa si weyn u saameeyay.

WARARKA