Monday, October 14, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Howlgalo culus oo ka socda sh/dhaxe iyo Saraakiil MAREYKAN ah oo tegay furinta dagaalka.

Axad 08,Sept,2024 {HMC} Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow iyo wafdi saraakiil Mareykan ah ayaa maanta gaaray furinta hore ee dagaalka ee dhinaca gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Mareykanka ee wehlinaya taliyaha ciidamada Xoogga dalka waxaa kamid ah taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Sidoo kale waxay saraakiishan kulamo la qaateen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, ayada oo kulanka looga hadlay sidii kooxda AS looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin deegaanada HirShabelle iyo guud ahaan dalka.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo kulanka ka hadlay ayaa amray saraakiisha ay la kulmeen inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah AS iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka kooxda.

Dhankooda saraakiisha ka socota Mareykanka ayaa soo dhaweeyay howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS, ayna ka qaadan doonaan doorkooda.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Shabeelaha Dhexe dib looga bilaabay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka AS ee ku sugan aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi.

Maalin kahor waxaa sidoo kale gobolka ka dhacday duqeyn culus oo lala beegsaday AS-ka ku sugan hawdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda AS, wuxuuna sidoo kale taageero siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

WARARKA