Gantaallo lagu garaacay waqooyiga Israa’iil

0
71

Jimco 27 Sep 2024 {HMC} Gantaallo ayaa lagu ganay waqooyiga Israa’iil – ciidamada Israa’iil ee IDFayaa sidaasi sheegay.

IDF ayaa saakay war kasoo saartay xaaladda Tiberias iyo Haifa – oo labaduba dhaca waqooyiga Israa’iil.

Waxay sheegtay in ilaa “10 gantaal la arkay inay kasoo gudbeen Lubnaan”.

“Qaar ka mid ah gantaallada ayaa laga hortagay qaar kalena waxay ku dhaceen meelo bannaan ah,” sida uu militarigu sheegay.

Dhanka kale, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in gantaal uu ku dhacay meel bannaan ah oo ka tirsan Tiberias.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here