Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday khataro caafimaad oo baahsan oo ka imaanaya dhacdooyinka cimilada daran ee muddada dheer ee Ingiriiska, waxaana wali sii kordhaya saamaynta daran ee isbeddelka cimilada.
Daraasadda oo ay hogaaminayso jaamacada Bristol, waxaa ku jira fikradaha saynisyahanada cimilada, saadaasha hawada iyo dhakhaatiirta caafimaadka bulshada.
Daraasadu waxay sidoo kale muujinaysaa sida soo gaarista heerkulka aadka u daran ee muddada dheer ay xiriir la leedahay hoos u dhaca garashada, cudurada kelyaha, kansarka maqaarka iyo fiditaanka cudurrada faafa.
Qoraaga daraasadda Dan Mitchell ayaa sheegay in kooxda cilmi baaristu ay og yihiin inay jiraan qaar badan oo ka mid ah “xiriirada xooggan ee kor u qaadaya walaac weyn.”
Afhayeen u hadlay Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in saamaynta xun ee dhacdooyinka cimilada aadka u daran ay ku leeyihiin caafimaadka wadnaha iyo sambabada si weyn loo yaqaan, laakiin cilmi baaristani waxay siisay sawir aad u dhammaystiran oo ku saabsan “saamaynta oo ah mid wali kordheysa”.
Khubaradu waxay ogaadeen in “dhacdooyinka cimilo xumada ee soo noqnoqda ee joogtada ah, sida kulaylka iyo daadadka, ay uga sii daraan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo fiditaanka cudurrada faafa.”
Waxaa kale oo ay daraasaddu tilmaantay in kulaylka oo muddo dheer la kulmo ay sababi karto hurdo xumo, taas oo la xiriirta hoos u dhaca garashada iyo xaaladaha ay ka mid yihiin cudurka ‘Alzheimers’ oo ah in xasuusta xumaato marba marka ka danbeysa iyo waallida.
Dhinaca kale, cilmi baaristu waxa ay sheegtay in cimilada qabow ay sidoo kale keento dhaawacyo badan oo ka dhasha dhicis, ama caafimaad darro maskaxeed oo ay sababto go’doomin, xannuunka kala goysyada, iyo dhaawaca caafimaad ee ka dhasha fadhiga iyo jiifka badan.
“Warbixintani waxay si dhab ah u muujinaysaa tirada dhimashada iyo cudurrada aadka u daran ee ay sababaan muddada dheer ee soo gaarista isbeddelka cimilada, kuwaas oo aan hadda lagu sameyn qiimaynta khatarta cimilada,” ayuu yiri Mitchell, oo ah barafasoor ku taqasusay sayniska iyo cimilada kana tirsan jaamacadda Bristol.
Mitchell waxa uu carabka ku adkeeyay in aanu hayn xog ku filan oo ku saabsan sida heerkulka sare ama daadadka joogtada ahi ay xiriir ula leeyihiin cuduro kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha kooxda cilmi baarista ee ka dambeeya daraasaddaan ayaa xusay in ” walbahaarka kulaylka ee dhowr sano ay u badan tahay inuu ka sii daro dhibaatooyinka caafimaad ee asaasiga ah, sida cudurrada kelyaha,” laakiin cilmi baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo go’aamiyo saameynta muddada dheer.
“Ingiriiska, tusaale ahaan, waxaan u gogol xaarnay falanqayn buuxda oo caalami ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya cimilada iyo caafimaadka,” ayuu Mitchell ku daray.
Dhanka kale waxa uu yiri: “Tani waxay bixin doontaa cusboonaysiinta aadka loogu baahan yahay ee qiyaasaha hadda jira ee duugoobay oo kaliya waxaana lagu ogaan doonaa qayb ka mid ah cudurrada.”
Eunice Lu, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Bristol iyo qoraaga daraasadda, ayaa sheegay in tillaabooyinka soo socda ay ka mid yihiin falanqaynta xog dheeraad ah oo waqti dheer ah oo ay weheliso “waxyaabaha kale ee saameeya caafimaadka waqti ka dib.”
Muxuu yahay isbadalka cimilada?
Isbeddelka cimiladu waa isbeddelka muddada fog ee celceliska heerkulka dhulka iyo xaaladaha cimilada.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, dunidu waxay celcelis ahaan ku jirtay qiyaastii 1.2 darajo Celsius, marka loo eego sidii ay ahayd dabayaaqadii qarnigii 19aad.
Saynisyahannadu waxay xaqiijiyeen in ifafaalaha kulaylka caalamiga ah ay keentay in heerkulka dhulka uu kordho in ka badan 1.5 digrii Celsius muddadii 12-ka bilood ahayd ee u dhaxaysa Febraayo 2023 iyo Janaayo 2024.
Tani waxay timid ka dib markii lagu dhawaaqay in 2023 uu yahay sanadka ugu kulul ee la diiwaan galiyay.
Kororka heerkulka waxa uu ka dhashay isbeddelka cimilada ee ay sababeen hawlaha bani’aadamka, waxaana xoojiyay ifafaalaha cimilada El Nino Southern Oscillation.