spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Sheikh oo booqday Asmara, muxuu u ka tegay markan?

Khamiis 10 Oct 2024 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, isagoo halkaasi u jooga booqasho shaqo oo rasmi ah.

Dhiiggiisa dalkaasi Isayas Afwerki ayaa soo dhoweyn u sameeyay markii uu kasoo degayay garoonka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Eritrea.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya, iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka ee ay labada dalba danta ugu jirto. Iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin arrinta heshiiskii badda ee Somaliland, ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhowaan safar ku tegayay Eritrea.

Asmara, oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah dib ula bilowday Muqdisho sanadkii 2018, ayaa sanadihii lasoo dhaafay tababareysay kumannaan ciidan oo Soomaali ah.

WARARKA