{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Slovenia

0
49
Axad 03- November-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha AS, howlgallada socda ee ka dhanka ah AS iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.
465246584 1058212936345312 3778160514089380573 n 464963914 1058212939678645 9200295302428100036 n 1 465134875 1058213069678632 8189357765454888598 n 1 465541346 1058213063011966 2336302368764410491 n 1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here