Isniin 11- Nov-2024 {HMC} War saxaafadeed ay maanta soo saareen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Jubaland, ayaa waxay walaac xooggan kaga muujiyeen tallaabooyinka ay qaadday dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay wiiqayaan wada xaajoodyada socda, isla markaana ay qeyb ka qaadanayaan xiisadaha haatan jira.
Mudanayaashan oo wadatashiyo u jooga magaalada Kismaayo ayaa ku dhaliilay ficilada madaxda dowladda faderaalka inay sii xumeynayaan kala qeybsanaanta siyaasadda iyo bulshada, taasoo ay sheegeen in ay adkeynayso wada-hadallada la doonayo in la isku soo dhaweeyo maamulka Jubbaland iyo Dowladda federaalka.
Sida war-murtiyeedka lagu sheegay xildhibaanadan oo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Jubaland ayaa wada hadallo la yeeshay madaxda Jubbaland iyo bulshada deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in go’aamo hal dhinac ah oo ay dhawaan soo saartay dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa khuseeya shuruucda iyo guddiyada doorashada ay caqabad weyn ku yihiin geeddi-socodka wadatashiga, ayna muujineyso in aan la ixtiraamin wadahadallada socda.
“Iyadoo ay naga go’an tahay in xal loo helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxay mudanayaashu sheegeen in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Federaalka loo arko inay saameyn xun ku yeelan kartaa midnimada Soomaaliya ee muddo dheer.